Muqdisho, 10 December, 2025 (Dawan)- Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dib-u-eegis ballaaran oo lagu sameeyo manaahijta waxbarashada dalka sanadka 2026, iyada oo la casriyeeyo nidaamka waxbarashada lana waafajinayo baahiyaha bulshada iyo qorsheyaasha horumarinta dalka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa ku dhawaaqay qorshahan, isagoo ka hadlay shirweynaha aqoon-is-weydaarsiga sannadlaha ah ee cilmibaarista Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho. Wasiirku wuxuu sheegay in dib-u-eegistu ay noqon doonto mid ay ka qaybgalayan jaamacadaha iyo khubaro kale oo waxbarashada ka shaqeeya, laguna salleeyo baahida dhabta ah ee ardayda iyo bulshada.
“Waxaan rabaa in aan halkan kaga dhawaaqo in sanadka soo socda, haddii Eebbe idmo, 2026 uu noqon doono sanadka ay Wasaaradda Waxbarashadu ka shaqaynayso dib-u-eegista manaahijta waxbarashada dalka,” ayuu yiri Wasiir Faarax, isaga oo intaa ku daray in geeddi-socodka dib-u-eegistu uu ku salaysanaan doono wada-tashi ballaaran iyo talooyinka khubarada waxbarashada.








