Doha (Dawan)— Saddex arday oo Soomaali ah ayaa kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka wada galay qaybta caalamiga ah ee Rofaqa ee agoonta, oo ka tirsan Tartanka Qur’aanka Kariimka ee loogu magac daray Sheekh Jassim bin Mohammed bin Thani, kaas oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Tartanka waxaa iska kaashaday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Qatar iyo Qatar Charity, waxaana ka qaybgalay 389 agoon oo ay kafaalo-qaaddo Qatar Charity, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 20 sano.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qatar, 278 tartame oo ka kala socday 20 dal ayaa u gudbay wareegyada hordhaca ah, halka 30 tartame oo ka kala socday 8 dal ay gaareen wareegga kama dambaysta ah ee lagu qabtay Doha.
Tartamayaashu waxay ku tartamayeen saddex qaybood oo xifdinta Qur’aanka ah: qaybta koowaad oo ahayd xifdinta Qur’aanka Kariimka oo dhan, qaybta labaad oo ahayd xifdinta 20-ka juz ee ugu dambeeya, iyo qaybta saddexaad oo ahayd xifdinta 10-ka juz ee ugu dambeeya.
Finalka tartanka ayaa socday 2-da ilaa 3-da Sebtembar 2026, halka natiijada iyo guuleystayaasha si rasmi ah loo shaaciyay 10-ka Sebtembar 2026, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qatar. Saddexda kaalin ee ugu sarreysa ayaa dhammaantood waxaa galay arday Soomaaliyeed.