Soomaaliya, 8 Nofeembar 2025 — Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta daahfuray tababar gaar ah oo loo qabtay saraakiisha amniga, kuwaas oo lagu barayo doorkooda ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta inta lagu jiro doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyinka.
“Maanta waa maalin weyn oo la daahfurayo tababarka ciidamada amniga ee doorashada soo socota ee golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in tababarkan cusub lagu barayo saraakiisha farsamooyinka ilaalinta xuquuqda muwaadinka, sida xaqa uu u leeyahay inuu codeeyo, habka uu u qaadanayo kaarka codbixinta, iyo nidaamka uu u mari doono codbixinta.








