Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sare u qaaday diyaar-garowga ka hortagga fatahaadaha, kadib digniino laga bixiyay roobab culus oo la filayo inay saameeyaan magaalooyinka waaweyn, dhulka beeraha iyo deegaannada ku dhow webiyada.
Digniintan ayaa timid kadib kulan ay Sabtidii wada yeesheen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), kaas oo diiradda lagu saaray qorshayaasha ka hortagga saameynta fatahaadaha, abaaraha iyo duufaannada la saadaalinayo.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in roobabka la filayo ay sababi karaan fatahaado iyo biyo badan, kuwaas oo saameyn kara magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Baydhabo iyo deegaannada ku teedsan webiyada.
Wuxuu tilmaamay in fatahaadaha la saadaalinayo ay ka ballaarnaan karaan kuwii sanadkii 2023, isla markaana ay gaari karaan heerkii musiibo ee fatahaadihii 1997.
Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in diyaar-garowga uu ka mid yahay qaybinta raashin, diyaarinta doomo samatabbixin ah, iyo aqoonsiga goobo sare oo lagu daadgureeyo dadka haddii loo baahdo.
Wuxuu sidoo kale xusay in ku dhowaad afar milyan oo barakacayaal ah oo ku nool dalka ay si gaar ah ugu nugul yihiin khataraha fatahaadaha.