Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Libaan Cabdi Cigaal, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda martigelisay 45,500 qaxooti iyo magangelyo-doon ajnabi ah oo ka kala yimid lix dal, kuwaas oo dalka ka helay hoy iyo ilaalin xilli ay dalalkooda ka jiraan colaado, xasillooni darro iyo duruufo bani’aadannimo.
Guddoomiyuhu wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qaxootiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Libaan Cabdi Cigaal ayaa sheegay in qaxootiga ku sugan Soomaaliya ay ka kala yimaadeen dalalka Yemen, Suuriya, Suudaan, Tanzania, Itoobiya iyo Falastiin, isagoo xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin soo dhaweynta iyo garab istaagga dadka ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira dalalkooda.
Waxa uu sheegay in munaasabaddan ay tahay fursad ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku muujinayaan soo dhoweyn, wada noolaansho iyo iskaashi ku dhisan sharaf iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in Soomaalidu si qoto dheer u fahamsan yihiin macnaha qaxootinimada, maadaama malaayiin Soomaali ah ay qaxooti noqdeen intii lagu jiray dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay sagaashamaadkii.