Jabuuti (Dawan)— Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay ballanqaaday in dowladdiisu kordhin doonto maalgelinta iyo taageerada dhaqaale ee dhallinyarada ganacsatada ah, si loo ballaariyo fursadaha shaqo-abuurka loona horumariyo ganacsiyada yaryar.
Sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), Geelle ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda Maalinta Qaranka iyo Afrika ee Dhallinyarada, oo Axaddii lagu qabtay Qasriga Shacabka ee magaalada Jabuuti, laguna soo bandhigay qorshayaal cusub oo lagu taageerayo dhallinyarada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu xoojin doonto hababka maalgelinta, barnaamijyada taageerada iyo dhiirrigelinta ganacsatada da'da yar, isaga oo ku adkeystay in fursadaha ganacsi aysan ku koobnaan dadka dhaqaalaha haysta. Waxa uu tilmaamay in kobaca dhaqaalaha dalka uu horseedo shaqooyin iyo fursado ay dhallinyaradu ka faa'iidaystaan. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la soo jiito maalgashi cusub, la horumariyo qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha, isla markaana waxbarashada iyo tababarrada xirfadeed la waafajiyo baahiyaha suuqa shaqada.
Geelle ayaa sidoo kale shaaciyey in siyaasadda qaranka ee dhallinyarada xoogga lagu saari doono sidii dadka ka shaqeeya ganacsiyada aan rasmiga ahayn loogu fududeyn lahaa inay u gudbaan ganacsiyo sharciyeysan oo waara.
Qorshahan waxaa qayb ka ah fududeynta habraacyada maamulka, ballaarinta helitaanka maalgelinta iyo hirgelinta dhiirrigelin dhaqaale oo loogu talagalay dadka doonaya inay horumariyaan ganacsiyadooda.