Muqdisho(Dawan) –Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka kumaandooska Danab ay 14 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ka dhacay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen, sida ay hadalka u dhigtay, horjoogayaal iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada dowladda ayaa sidoo kale burburiyay kayd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo ay wasaaraddu sheegtay in kooxdaasi ay u adeegsan jirtay diyaarinta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka.