Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixinteeda sannadlaha ah oo lagu qiimeeyay horumarrada laga sameeyay dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dadweynaha, dakhliga gudaha, maaraynta deynta iyo hufnaanta nidaamyada maaliyadeed.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in warbixintu ay muujinayso guulaha dowladda ka gaartay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta Maaliyadda Dadweynaha (PFM), kordhinta dakhliga gudaha, maareynta deynta, maalgashiga dadweynaha iyo xoojinta isla-xisaabtanka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhinaca hufnaanta miisaaniyadda, isagoo sheegay in qiimeyntii ugu dambeysay ee Sahanka Miisaaniyadda Furan (Open Budget Survey) ay muujisay in Soomaaliya ay ka gudubtay celceliska dalalka Saxaraha ka hooseeya Afrika marka loo eego daahfurnaanta miisaaniyadda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in la horumariyay kormeerka miisaaniyadda, iyadoo doorka Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo Baarlamaanka lagu xoojiyay la socodka iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed.
Dhinaca dakhliga gudaha, Wasiirku wuxuu sheegay in dakhliga dowladda uu labalaabmay afartii sano ee la soo dhaafay, taas oo uu ku xiray dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamyada ururinta dakhliga, gaar ahaan adeegsiga tiknoolajiyadda. Waxa uu xusay in dowladda ay hirgelisay nidaamka casriyeynta Kastamka Soomaaliya (SOMCAS), nidaamyada canshuuraha waddooyinka, canshuuraha kirada iyo adeegyo kale oo dowladeed oo loo beddelay qaab dijitaal ah.