Soomaaliya, 2 Maarso 2026 (Dawan)– Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa caawa oo Isniin ah sheegtay inay dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu tilmaamay “maskaxdii” ka dambeysay dhowr weerar oo argagixiso oo ka dhacay caasimadda, oo uu ku jiro weerarkii weynaa ee 2025 lagu qaaday Godka Jilacow.
Bayaan ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in ninkaasi, oo loo yaqaanay magacyo ay ka mid yihiin Kamaaludiin Yuunis Maxamed iyo “Caraale,” lagu dilay howlgal qorsheysan oo habeenimo la fuliyay, iyadoo lala kaashaday saaxiibo caalami ah.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo u dhow magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah meelaha ay ku badan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.







