Muqdisho (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in siddeed xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal amni oo ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu bartilmaameedsaday shabakad ku lug lahayd sameynta walxaha qarxa iyo fududeynta weerarrada argagixiso.
War-saxaafadeed ay maanta oo Sabti ah soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Basra, halkaas oo xubnahaasi ku sugnaayeen.
NISA ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen xubno qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo fududeynta weerarrada lagu adeegsado walxaha qarxa iyo hubka culus.
Hay’addu waxay sheegtay in xubnaha la dilay uu ku jiray Axmed Eybka Caalim, oo loo yaqaanay Dagare, kaas oo NISA ku tilmaantay inuu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan shabakadda.