Muqdisho (Dawan) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarrada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho ay hoos u dhaceen ku dhowaad 87% tan iyo 2023, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in qiimeyn cusub oo amni ay muujisay hoos-u-dhac weyn oo ku yimid weerarrada kooxda.
Fiqi ayaa hadalkan Sabtidii ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay ciidamada Qaranka, kaddib markii qiimeyn ku saabsan xaaladda amniga Muqdisho lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
“Ku dhowaad 87% ayay hoos u dhaceen weerarrada argagixisada, sida ku cad warbixintii maanta la soo bandhigay,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay rajaynayso in hoos-u-dhaca weerarrada uu bilaha soo socda dhaafo 90%. Fiqi wuxuu sheegay in horumarka amniga Muqdisho lagu gaaray khasaare culus oo soo gaaray ciidamada dowladda iyo hay’adaha amniga. Wuxuu sheegay in ku dhowaad 300 oo askari lagu dilay qaraxyo iyo dilal ay Al-Shabaab fulisay, halka khasaaraha soo gaaray saraakiisha sirdoonka iyo booliska uu gaaray kumannaan qof. Wasiirku ma uusan caddeyn muddada ay tiradani daboolayso.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay malaayiin dollar ku bixisay sugidda amniga, isagoo xusay in wixii awood iyo dhaqaale ah ee dowladda ay haysay loo adeegsaday amniga.