New York (Dawan) - Hakadka ka jira marinka Hormuz ayaa qayb ka noqday hoos u dhac lagu qiyaasay 40% oo ku yimid dakhliga kastamka Soomaaliya, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay maanta oo Khamiis ah.
“Hakadkaas ayaa sidoo kale qayb ka noqday hoos u dhac lagu qiyaasay 40% oo ku yimid dakhliga gudaha ee ka soo xarooda kastamka, kaas oo muhiim u ah maalgelinta dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, kobaca iyo dhimista saboolnimada,” ayuu yiri madaxweynuha.