Geneva (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay si mas'uuliyad leh u qaadato doorkeeda cusub ee ka dhalanaya hannaanka kala-guurka xuquuqul insaanka. Waxay intaas ku dartay inay sii xoojinayso hay'adaha qaranka iyo hannaanada lagu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta.
Arrintan waxaa shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo 3 October, khudbad ka jeedisay kulan-doceed ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, iyadoo uu socday kalfadhiga rasmiga ah ee 63-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, horumarrada la gaaray iyo hannaanka kala-guurka. Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Amb. Al-Makhzoumi waxay si gaar ah u adkaysay in kala-guurku uu yahay arrin muhiim u ah marxaladda cusub ee Soomaaliya. Waxay sheegtay inuu si weyn uga dhex muuqan doono doodaha kalfadhiga 63-aad ee Geneva iyo kulamada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.