Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhinayso dadaallada ka hortagga xagjirnimada, iyadoo xoojinaysa wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Hadalkan ayaa yimid kaddib shir ka dhacay Muqdisho maanta oo Khamiis ah, kaas oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, diiraddana lagu saaray isku xirka hawlaha ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Kulanka, oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN, ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada wacyigelinta iyo ka hortagga marin-habaabinta ay kooxaha argagixisadu ku beegsadaan dhallinyarada.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay guulo ka gaartay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan, balse ay muhiim tahay in la sii laba jibbaaro dadaallada ka hortagga fikirka xagjirka ah.


