Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa 25 sarkaal oo ka kala socda hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada u dirtay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, si ay u qaataan tababar ku saabsan u-diyaargarowga, ka hortagga iyo ka jawaabista fatahaadaha.
Saraakiishan, oo ka kala socda SoDMA iyo wasaaradaha u qaabilsan gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad-goboleedyada, ayaa magaalada Muqdisho loogu qabtay munaasabad sagootin ah oo uu ka qeyb galay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo qaar ka mid ah wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada.
Tababarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay isu diyaarineyso xilliga roobabka Dayrta, iyadoo mas’uuliyiintu ka digayaan in roobab la xiriira ifafaalaha Super El Niño ay sababi karaan fatahaado iyo daadad ka dhaca qaybo ka mid ah dalka.