Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u diidday go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas xadgudub ka dhan ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay kulan degdeg ah oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirrada ayaa lagu xaqiijiyay in Somaliland ay tahay qayb aan laga goyn karin oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin cid ama dal awood u leh inuu wax ka beddelo xaqiiqadaas sharci iyo taariikheed.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya aanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga sameeyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo militari oo horseedi kara dagaallo iyo khilaafaad dibadeed, ama halis gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.



