Muqdisho (Dawan)– Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka kooban ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socda Turkey, Jabuuti iyo Suudaan, kuwaas oo daneynaya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud XFS.
Kulanka, oo uu sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Danjire Cismaan Dubbad Sugule, ayaa looga hadlay fursadaha maalgashi, gaar ahaan dhinacyada guriyeynta, dhismaha guryaha qiimaha jaban iyo mashaariicda horumarineed.
Wasiirka ayaa maalgashadayaasha uga warbixiyay fursadaha ka jira dalka, isagoo sheegay in Wasaaraddu dhiirrigelinayso maalgashiga lagu dhisayo guryo ay awoodaan inay iibsadaan qoysaska Soomaaliyeed.