Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed ayaa shalay, Axad, si rasmi ah u soo bandhigtay cilmi baaris la xiriirta hubinta cuntada iyo qiimaynta nuglaanta 2026 (CFSVA 2026), taas oo ka mid ah cilmi baaristii ugu ballaaraneed ee laga sameeyo Soomaaliya ee ku saabsan amniga cuntada, nuglaanta guryaha, nolol-maalmeedka iyo adkaysiga bulshada, sida uu sheegay Xafiiska Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed.
Daraasaddan waxaa si wadajir ah u fuliyay Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) iyo Ururka Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO), iyada oo loo marayo Unugga Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Soomaaliya (FSNAU) . Daraasaddan ayaa u kuur gashay 8,816 qoys oo ku kala nool 34 degmo oo ka tirsan 17 ka mid ah 18-kii gobol ee Soomaaliya ka koobneed ka hor dagaalkii sokeeye, iyadoo xogta laga helay ay matasho dadka magaalooyinka, miyiga iyo barakacayaasha gudaha dalka.
Natiijooyinka daraasadda ayaa bixiyay xog muhiim ah oo ku saabsan sugnaanta cuntada, nuglaanta dhaqaale, barakaca, ku-tiirsanaanta suuqyada, xeeladaha ka-hortagga cunto-yarida iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah. Daraasaddan ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la sameeyo siyaasado ku saleysan xog sax ah si loo xoojiyo adkaysiga bulshada, loona taageero qorsheynta gargaarka bani’aadannimo, isla markaana loo hirgeliyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029.


