Muqdisho (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa Talaadadii taageertay Istaraatiijiyadda Dalka ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee 2026-2030, iyadoo sheegtay in qorshaha shanta sano ah uu waafaqsan yahay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, isla markaana uu gacan ka geysanayo xoojinta sugnaanta cuntada, adkeysiga bulshada iyo hay'adaha dowladda.
Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daahfurayay istaraatiijiyadda cusub ee WFP, taas oo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Qaramada Midoobay, hay'adaha horumarinta, bulshada rayidka ah iyo bahwadaag kale.
Saalax ayaa uga mahadceliyay WFP doorkii ay ka qaadatay ka jawaabista xaaladaha bani'aadannimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in hay'addu ay garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed xilliyadii ay dalka ka jireen abaaraha, macluusha iyo xaaladaha degdegga ah.
"Waxaan maanta halkan u joognaa inaan u mahadcelinno saaxiibbada Soomaaliya, gaar ahaan Hay'adda World Food Programme, oo nala shaqeysay maalmaha adag, kana qeyb qaadatay badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee bani'aadannimo," ayuu yiri.
Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in istaraatiijiyadda cusub ay ku saleysan tahay mudnaanta dowladda Soomaaliya, isla markaana ay la jaanqaadayso Qorshaha Isbeddelka Qaranka.