Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socday dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka mid ahaa ganacsato iyo maalgashadayaal ka qeyb galay shirar ku saabsan iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Madaxweynaha ayaa wafdiga u soo bandhigay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira dalka, isagoo si gaar ah u xusay kobaca dhaqaalaha, kheyraadka dabiiciga ah, iyo qaybaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin kalluumeysiga, beeraha, tamarta, warshadaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay hadda leedahay jawi maalgashi oo sii soo hagaagaya, isla markaana dowladdu ay wado dib-u-habeynno lagu horumarinayo nidaamka ganacsiga iyo fududeynta maalgelinta shisheeye.