Muqdisho | 29 Diseembar 2025 (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa Isniintii kulan xog-wareysi ah u qabatay safiirrada iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah, si ay ugu bandhigto mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan aqoonsigii ay Israa’iil siisay maamulka isku magacaabay Somaliland.
Mas'uuliyiin la hadlay Dawan, iyaga oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in kulanka lagu faahfaahiyay aragtida rasmiga ah ee dowladda federaalka, islamarkaana lagu sharraxay tallaabooyinka ay Muqdisho damacsan tahay inay qaaddo ka dib go’aanka Israa’iil. Mas'uuliyiintu waxay intaa ku dareen in dhowaan la filayo in la soo saaro tilmaamo cusub oo hagaya jihada xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyo guulo kale oo ay dowladda hadda jirta sheegtay inay ka gaartay hannaan-siyaasadeedka dalka, iyadoo lagu iftiimiyay horumaro dhowaan la xaqiijiyay.






