Muqdisho (Dawan) – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillo ka socday shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia, si looga wada hadlo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira maamulka Dekedda Muqdisho, sida ay sheegtay xafiiskiisa.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee ku xusan heshiiska maamulka dekedda, iyadoo Xafiiska Hantidhowrka Guud uu sheegay in arrimahaasi ay yihiin kuwo muhiim u ah nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Hantidhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda, taas oo uu sheegay in ay gacan ka geysaneyso xoojinta dabagalka iyo hubinta dakhliga dowladda.
Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee dakhliga dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkadda Albayrak ayaa maamuleysay dekedda tan iyo sanadkii 2013, halka Dowladda Federaalka ay sanadkii 2020 la gashay heshiis dib loo cusboonaysiiyay oo soconaya 14 sano.