Soomaaliya, 9 Febraayo 2026 (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaadado ah xaqiijisay in ciidamada ammaanka qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay dileen hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib hawlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay koonfurta dalka.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in hoggaamiyaha la dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Sahal Iidle, oo sidoo kale loo yaqaannay Abuu Usaama, kaas oo lagu bartilmaameedsaday 8-dii bishaan Febraayo agagaarka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
NISA waxay sheegtay in Abuu Usaama uu ahaa saaxiib dhow oo xiriir la lahaa hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye, isla markaana loo diyaarinayay inuu qabto xil sare oo la xiriira hoggaanka maaliyadda kooxda.






