Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojinaysa la socodka iyo qiimeynta mashaariicda deegaanka, xilli uu sii ballaaranayo mashruuc uu taageerayo Bangiga Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mashruuca Biyaha iyo Adkeysiga Miyiga ee Soomaaliya (Barwaaqo) oo lagu baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook.
Tababar farsamo oo socday shan maalmood oo lagu qabtay Muqdisho ayaa la isagu eenay khubaro ka kala socotay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo nidaamyada kormeerka iyo la socodka natiijooyinka, sida lagu xusay qoraalka.
Doodaha ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta tayada xogta, is-waafajinta tilmaamayaasha waxqabadka iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira warbixinnada, iyadoo la ballaarinayo faragelinta la xiriirta adkeysiga isbeddelka cimilada.
Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ka shaqeeyay mideynta qalabka kormeerka iyo hagaajinta falanqaynta waxqabadka, sida lagu xusay bayaanka.


