Muqdisho (Dawan) – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u daah-furtay Xarunta Qaranka Soomaaliyeed ee Garaad Gacmeedka (Somali National Artificial Intelligence Center – SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka iyo kobcinta awoodda xirfadeed ee Garaad Gacmeedka (AI) gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, jaamacado, machadyo cilmi-baaris, aqoonyahanno, khubaro ku xeel dheer tiknoolajiyadda iyo daneeyayaal kale.
Xarunta ayaa noqon doonta xarunta ugu weyn ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed u qaabilsan cilmi-baarista iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka, iyadoo taageeri doonta horumarinta xalal gudaha lagu curiyo oo wax ka tari kara horumarka qaranka iyo dardargelinta isbeddelka dijitaalka ah.