Soomaaliya, 20 Janaayo 2026 (Dawan)– Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah soo dhowaysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika, kaas oo meesha ka saaray go’aannadii hore ee lagu hakiyay dhaarinta wakiilladii Soomaaliya loogu doortay Golaha Sharci-dejinta ee Bariga Afrika (EALA).
Maxkamadda Racfaanka ayaa maalintii Isniinta laashay hakintaas, taas oo ka dhalatay dacwad ay gudbiyeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dooday in habraacii doorashada ee bishii Oktoobar 2025 ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid eex siyaasadeed ku jirtay, isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda Ururka Bariga Afrika (EAC).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa hambalyo u dirtay sagaalkii xildhibaan ee Soomaaliya ee uu soo doortay Baarlamaanka Federaalka, iyadoo mar kale xaqiijisay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo iskaashiga ay la leedahay waddamada xubnaha ka ah EAC.






