Laascaano- Somalia_ Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda ka dhalatay booqashada Xamse Cabdi Barre oo uu doonayo inuu ku tago magaalada Laas-caano.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii ay shaki ka qabaan amniga deegaanada SSC aysan cidna martiqaadi laheen, balse ay taabadalkeeda ku filanyihiin in damaana qaadaan amniga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
"Haddii aanu shimbiro kabaqayno, hadhuudh maanu beeraneyn" ayuu yiri wasiirka warfaafinta SSC-Khaatuma