Khartuum (Dawan) – Dowladda Suudaan ayaa maanta oo Talaada ah ku eedeysay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta inay ka qeyb qaateen weerar diyaarado aan duuliye lahayn ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartuum, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid gardarro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan, Muxyidiin Saalim, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Khartuum ku sheegay inay u yeereen safiirkii u fadhiyay Addis Ababa si looga wadatashado waxa uu ku tilmaamay “weerar ay fuliyeen Itoobiya iyo Imaaraadka.”
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in garoonka diyaaradaha Khartuum uu yahay xarun rayid ah oo ay mamnuuc tahay in la beegsado sida uu qabo sharciga caalamiga ah.
Sida uu sheegay, “caddeymo ” ayaa muujinaya in weerarka uu ka yimid gudaha dhulka Itoobiya, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid uu ku sheegay “ficil colaad ah oo ka yimid dowlad la filayay inay deris iyo walaal la tahay Suudaan.”
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Suudaan ay laba farriin u kala dirtay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo lagu wargelinayo eedeymaha la xiriira weerarka.


