Khartoum, 06 Oktoobar 2025 (Dawan)– In ka badan 1,200 oo qoys oo Suudaani ah ayaa ku barakacay magaalada Bahri ee gobolka Khartoum, kadib fatahaado ba’an oo ka dhashay biyaha kor u kacay ee wabiga Niil, sida ay sheegtay Hay’adda qaxootiga aduunka (IOM) Axaddii.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaaduhu ay burburiyeen shan guri, halka inta badan guryaha kale ay waxyeello soo gaartay qayb ahaan. Qoysas badan ayaa deegaanka ka barakacay iyagoo ka baqaya in fatahaado kale dhici karaan, kuwaas oo hoy ka helay bulshooyinka deegaanka ee ku dhow.
Fatahaadahani waxay dhaceen kadib markii heerarka biyaha ee wabiyada Niilka, gaar ahaan White nile ee ka yimaada Harada Victoria iyo Webiga Blue Nile ee ka soo burqada buuraha Itoobiya, ay kor u kaceen. Biyaha wabiyada iyo roobabka xilliga roobka ayaa keena fatahaado baahsan oo ka dhaca Suudaan.
Tan iyo 30-kii Juun, in ka badan 125,000 oo qof ayay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha ka dhacay Suudaan, sida ay muujinayaan tirakoobyada dowladda. Suudaan waxay caadi ahaan la kulantaa roobab culus xilliga roobka ee bilaha Juun ilaa Oktoobar, taasoo inta badan dhalisa fatahaado sanad kasta soo noqnoqda.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay jirto baahi degdeg ah oo taageero caalami ah si loo caawiyo qoysaska barakacay iyo in la bixiyo gargaarka degdega ah ee deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ah.
Fatahaadahan ayaa dhacday xilli Suudaan ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga RSF (Ciidamada Taageerada Degdegga ah), kaasoo bilaabmay Abriil 2023. Dagaalkan ayaa sababay kumannaan dhimasho ah iyo malaayiin barakac ah, iyadoo xaaladda bani’aadamnimo ee dalka sii xumaaneyso.



