Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo booqasho shaqo ku tagay Galmudug, ayaa iftiimiyay xaaladda bini'aadantinimo ee sii kordheysa, isagoo sheegay in ka badan 600,000 oo qof oo ku sugan Galmudug ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah xilli ay hoos u dhacday taageerad deeqaha.
Swan oo ka hadlayey Shir jaraaid oo ay wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in madaxda Soomaaliya, deeq-bixiyeyaasha, iyo Qaramada Midoobay ay mudnaanta siiyaan dadka ugu nugul.
“Waxaa muhiim ah in madaxda Soomaaliyeed, deeq-bixiyeyaasha, iyo Qaramada Midoobay ay si degdeg ah u mudnaanta siiyaan dadka ugu nugul si ay gargaar u helaan.” Ayuu yiri Swan.