Asmara 18 December 2025 (Dawan)- – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden, Maria Malmer Stenergard, ayaa 17 December 2025 ku tagtay magaalada Asmara booqasho shaqo oo labo maalmood ah, taasoo noqotay booqashadii ugu horreysay ee wasiir arrimaha dibadda Sweden ku tago Eritrea tan iyo markii xornimadeeda qaadatay 1993.
Maalintii ugu horreysay ee booqashada, Wasiir Malmer Stenergard waxay kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, oo ay kawada hadleen xiriirka laba-geesoodka ah, horumarka gobolka, iyo arrimaha nabadda iyo amniga ee Afrika iyo Badda Cas, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea.
Sidoo kale, Wasiirka Shaqada iyo Daryeelka Bulshada Eritrea, Leul Gebreab, ayaa xog ka siiyay Wasiir Malmer Stenergard barnaamijyada ka socda Eritrea iyo guulaha la gaaray ee loogu tala galay horumarinta caddaaladda bulshada.





