Malta (Dawan) – Ugu yaraan 85 qof oo tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah, ayaa laga soo badbaadiyey doon ku celladowday badda Mediterranean-ka, kadib howlgal samatabixin ah oo dhacay waaberigii Khamiista meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta jasiiradda Malta.
Dadka la badbaadiyey ayaa isugu jiray muwaadiniin ka kala yimid Soomaaliya, Bangladesh iyo Masar, kuwaas oo ku jiray safar halis badan oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan qaaradda Yurub.
Howlgalka samatabixinta ayaa ka dhacay aagga Raadinta iyo Samatabixinta (SAR) ee Talyaaniga, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hay’adda Midowga Yurub ee Frontex ay si dhow ula socdeen xaaladda doonta.
Sida lagu sheegay xogta howlgalka, dadka la badbaadiyey waxaa ku jiray laba haween ah iyo illaa 20 carruur ah oo aan waalid la socon, kuwaas oo hadda loo wareejiyey goob ammaan ah si loo siiyo gargaar caafimaad iyo mid bani’aadamnimo.