Muqdisho (Dawan) – Shirkadda First Somali Takaful Insurance iyo Ururka Injineerada Soomaaliyeed (SEA) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca caymiska iyo horumarinta xirfadaha injineerada dalka.
Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso hannaan wada shaqeyn oo rasmi ah, si injineerada Soomaaliyeed loogu siiyo adeegyo caymis oo ku habboon shaqadooda, loona kordhiyo heerarka xirfadeed iyo badbaadada maaliyadeed.
Sida lagu qeexay heshiiska, shirkadda caymiska ayaa bixin doonta xalal dhammaystiran oo daboolaya khataraha la xiriira injineernimada. Xubnaha ururka ayaa sidoo kale heli doona qiimo dhimis gaar ah, habraacyo fudud oo adeegyada ah, iyo kooxo u gaar ah maaraynta dacwadaha caymiska.
Dhanka kale, Ururka Injineerada Soomaaliyeed ayaa fududeyn doona in xubnihiisu helaan tababaro iyo aqoon-isweydaarsiyo ku saabsan maaraynta khataraha, iyo sidoo kale barnaamijyo horumarinta xirfadaha (CPD) oo la aqoonsan yahay.


