Muqdisho (Dawan) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xilkan kala wareegaya Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo muddo hayay hoggaanka ciidankaas xilli ay jireen caqabado amni iyo isbeddello ku saabsan maamulka xarumaha xabsiyada dalka.
Magacaabistan ayaa imaneysa xilli falanqeeyayaasha siyaasadeed ay tilmaamayaan in isbeddelkan uu si dadban ula xiriiro xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan khilaafaadka ka dhashay maamulidda degmooyinka iyo arrimaha doorashooyinka.
