Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, wasiirkii hore ee amniga, xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale
Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligaan xasaasiga ah talooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa:
FARRIINTA KOOWAAD: MADAXWEYNE XASAN SHEEKH
Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkaan ka noqday oo darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh.
Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday, Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta, sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka, iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada.
Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in cadawgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkaan.
"Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga".