Addis Ababa (Dawan) – Tareenka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa sameeyay koror ballaaraan oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ganacsiga ah sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sanad-maaliyadeedka 2025–2026, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Arrintan ayaa lagu soo bandhigay kulankii 25-aad ee Guddiga Maamulka Tareenka Itoobiya iyo Jabuuti, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxqabadka marinka tareenka ee isku xira labada dal, caqabadaha weli jira iyo dadaallada lagu xoojinayo hawlgalka shirkadda.
Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Macdanta Itoobiya, Habtamu Tegegne, waxaana ka qeyb galay madaxda shirkadda, oo ay ku jiraan Agaasimaha Guud Takale Uma iyo ku-xigeenkiisa Youssouf Djama Farah.
Sida lagu sheegay xogta guddiga loo bandhigay, taraafikada tareenka ayaa si weyn uga sarreysay isla muddadii sanad-maaliyadeedkii hore. Kororkan ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee marinka Itoobiya iyo Jabuuti uu soo hagaagayo, iyadoo tareenku door muhiim ah ka qaadanayo isku xirka dekedaha Jabuuti iyo suuqa Itoobiya.
Tareenka Addis Ababa–Jabuuti waa mid ka mid ah mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee ugu waaweyn Geeska Afrika. Itoobiya, oo aan lahayn deked badeed, ayaa si weyn ugu tiirsan dekedaha Jabuuti, halka tareenkani uu muhiim u yahay dedejinta xamuulka, yareynta kharashaadka gaadiidka iyo fududeynta ganacsiga labada dal.


