Jigjiga (Dawan)— Hay’adda FC Africa Development oo kaashanaysa Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ayaa isniintii magaalada Jigjiga ka daahfurtay Tartanka Qorshaha Ganacsiga (Business Plan Competition), kaas oo lagu taageerayo ganacsiyada rajo wanaagsan leh iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee bulshada.
Munaasabadda oo ka dhacday Lotus Hotel ee magaalada Jigjiga ayaa socotay 24 iyo 25 Agoosto 2026, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday hay’adaha dowladda, Jaamacadda Jigjiga, ururrada dhallinyarada, hay’adaha maaliyadeed iyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
Hay’adihii iyo xarumihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Cooperative Promotion Agency – SRS, Xafiiska Beeraha DDS, Maamulka Magaalada Jigjiga, Jaamacadda Jigjiga, Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Jigjiga, BDSP Association, Hasi Consultancy, Shabeelle Bank, Rays Microfinance, Kaafi Microfinance, Sahal Microfinance, Inkomoko, Mercy Corps iyo ARRA.
Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaray taageeridda ganacsatada, qaxootiga iyo bulshada deegaanka, iyadoo ganacsiyada leh qorshayaal rajo-gelinaya loo abuurayo fursado ay ku heli karaan maalgelin bilow ah iyo adeegyo horumarinta ganacsiga.