Daarusalaam (Dawan)- Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), Patrice Motsepe, ayaa sheegay in tirada xulalka ka qayb gala tartanka Koobka Qaramada Afrika in laga yaabo in la kordhiyo oo la gaarsiiyo 28 xul, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in tartanka la qaban doono afartii sano mar mustaqbalka.
Motsepe ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Daarusalaam ee caasimadda Tansaaniya. Wuxuu intaa ku daray in qorshayaashan ay jiraan, balse aan weli la cayimin waqtiga rasmiga ah ee isbeddelka la dhaqangelin doono.
Tartamadii afartii sano ee u dambeeyay waxaa ka qayb galay 24 xul, kaddib markii tirada laga kordhiyay 16.






