Addis Ababa (Dawan) – Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ee TPLF ayaa beenisay eedeymo sheegaya inay taageero militari ka raadinayso Eritrea iyo Suudaan, iyadoo sheegtay inaysan dalal shisheeye ugu baaqin inay dagaal u galaan, isla markaana ay ku tiirsan tahay awooddeeda.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu TPLF ku eedeeyay inay la sameysatay Eritrea iyo Suudaan iskaashi ka dhan ah dowladda federaalka Itoobiya.
Afhayeenka TPLF, Mikiele Asgedom, ayaa sheegay in ururku uusan cid dibadeed ka dalban taageero ciidan ama inay dagaal u gasho, isagoo ku adkeystay in TPLF ay isku halleyso awooddeeda.
“Waxaan isku halleynaa nafteena. Cidna uma yeerno inay noo dagaallanto. Waxaan aaminsanahay awooddeena,” ayuu yiri Mikiele.
Jawaabta TPLF ayaa timid kadib markii Abiy Axmed uu baarlamaanka Itoobiya ka sheegay in TPLF, Eritrea iyo Suudaan ay iska kaashanayaan qorshe ka dhan ah Itoobiya. Wuxuu sheegay in xiriirka lagu eedeeyay dhinacyadan uu la mid yahay isbahaysigii hubeysnaa ee horseeday ridistii taliskii Derg sannadkii 1991-kii.