Washington (Dawan) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan haatan qorsheynin inuu aqoonsi degdeg ah siiyo Somaliland, kaddib go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu ku shaaciyay aqoonsiga Somaliland inay tahay dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo dhalisay muran xooggan.
Trump, oo wareysi telefoon ah siiyay wargeyska New York Post Jimcihii, ayaa caddeeyay in Mareykanku uusan ku degdegi doonin tallaabo la mid ah tan Israa’iil, isagoo tilmaamay in arrintan u baahan tahay baaritaan iyo qiimeyn dheer.
“Wax walba waa in si qoto dheer loo baaraa… waxaan baareynaa arrimo badan, mar walbana waxaan qaataa go’aanno wanaagsan, kuwaas oo noqda kuwo sax ah,” ayuu yiri Trump, isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale shaki geliyay fahamka guud ee xaaladda Somaliland, isaga oo hadalkiisa raaciyay, “Ma jiro qof si dhab ah u og waxa ay Somaliland tahay, dhab ahaantii?”
Hadalka Trump ayaa imaanaya kaddib markii Somaliland ay aqoonsigii ugu horreeyay ka heshay Israa’iil. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi (Cirro), u sheegay inuu arrintan kala hadli doono Madaxweyne Trump inta lagu jiro kulan la qorsheeyay Isniinta.








