By Sayyid Omar
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu safar rasmi ah ku tegi doono Bariga Dhexe toddobaadyada soo socda, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay muddo xileedkiisa labaad.
Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in uu booqan doono dalalka Sacuudiga Qatar iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale waxa uu xusay in safarkiisu uu ku dari karo dalal kale, balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.
"Waxaan xiriir aad u wanaagsan la leeyahay Bariga Dhexe," ayuu yiri Trump, isagoo intaas raaciyay in booqashadiisu ay muhiim u tahay maalgashiga Mareykanka.