Addis Ababa (Dawan) — Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday laba heshiis oo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha iyo tamarta, kaddib booqashadii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ku tegay caasimadda Addis Ababa.
Heshiisyadan ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee sii kordhaya ee u dhexeeya Ankara iyo Addis Ababa.
Heshiiska koowaad waxaa kala saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gideon Timothewos, kaas oo ahaa qoraalka gunaanadka kulankii sagaalaad ee guddiga dhaqaalaha wadajirka ah ee Turkiga iyo Itoobiya ee iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo farsamo.
Heshiiska labaad ayaa ahaa is-afgarad ku saabsan iskaashiga tamarta, kaas oo ay kala saxiixdeen Bayraktar iyo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Itoobiya Habtamu Itefa.
Qoraalka heshiiska ayaa tilmaamaya in labada dal ay iska kaashan doonaan horumarinta mashaariicda tamarta la cusboonaysiin karo, kor u qaadidda waxtarka tamarta, iyo soo saarista iyo rakibidda qalabka warshadaha korontada laga dhaliyo biyaha iyo dabeysha.







