Turkiga iyo Jabuuti ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ah ka dib Carwada Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF) 2025, oo ka dhacday Istanbul Arbacadii. Heshiiskan, oo la magacbaxay Heshiiska Iskaashiga Milatari ee u dhaxeeya Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iyo Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa saxiixay Wasiirka Difaaaca Qaranka ee Turkiga, Yasar Guler, iyo dhiggiisa Jabuuti Hassan Omar Mohamed.
Carwada difaaca ee 17-aad, oo soconaysa lix maalmood, ayaa ka dhacaysa meelo kala duwan oo Istanbul ah, oo ay ku jiraan Istanbul Fair Center, Ataturk Airport, Wow Hotel, iyo Atakoy Marina. Munaasabaddan oo soo bandhigaysa tignoolajiyada difaaca ugu casrisan, ayaa ah goob muhiim ah oo loogu talagalay hoggaamiyeyaasha iyo hal-abuurrada warshadaha difaaca ee caalamiga ah.