Muqdisho (Dawan) – Turkiga ayaa si rasmi ah u dhammeystiray daraasadaha farsamo iyo kuwa suurtagalnimada ee la xiriira dhismaha xarun laga tuuro dayax-gacmeedyo oo laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya, mashruuc ay dowladda federaalku ku tilmaantay mid ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee ugu waaweyn ee dalka ka hirgala tobannaan sano.
Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacir, ayaa xaqiijiyay in dhammaan daraasadaha naqshadeynta iyo suurtagalnimada mashruuca la soo gebagebeeyay, isla markaana wejiga koowaad ee dhismaha uu si rasmi ah u bilaaban doono.
Xarunta ayaa laga dhisayaa dhul ay dowladda Soomaaliya u qoondeysay Turkiga, kaas oo ku saleysan heshiis iskaashi oo horay u kala saxiixdeen labada dal.
Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, doorashada Soomaaliya ayaa salka ku haysa faa’iidooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ku-dhawaanshaha xariiqda dhul-baraha, cimilada u saamaxaysa ridista dayax-gacmeedyada sanadka oo dhan, xeeb dheer, iyo isu-socod hawada iyo badda oo aan ciriiri ahayn. Arrimahan ayaa Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah meelaha ugu habboon caalamka ee hawlgallada hawada sare.




