Ankara, 9 Janaayo 2026 (Dawan) – Warbixin ay faafisay wakaaladda Bloomberg, iyada oo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in Turkiga uu dadaal ugu jiro ku biirista iskaashiga difaaca ee hadda u dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, taasoo albaab u furi karta hanaan amni oo cusub oo saameyn ku yeelan kara miisaanka awoodaha ee Bariga Dhexe iyo gobollada kale.
Sida ay xogaha sheegeen, heshiiska difaaca ee la saxiixay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay wuxuu qeexayaa in “wax kasta oo weerar ah” oo lagu soo qaado mid ka mid ah labada dal loo arko weerar lagu soo qaaday labada dalba, arrintan oo la mid ah qodobka shanaad ee mabaadi’da NATO, halkaasoo Turkiga uu ka yahay awoodda labaad ee milatari ee ugu weyn Mareykanka kadib. Ilo xog-ogaal ah ayaa intaa ku daray in wadahadalladu ay gaareen heer horumar leh, ayna suuragal tahay in heshiis laga gaaro.
Dowladda Turkiga waxay u aragtaa in ballaarinta iskaashigan ay la jaanqaadeyso isdhaafsiga danaha ka dhexeeya Ankara, Riyadh, iyo Islamabad ee Koonfurta Aasiya, Bariga Dhexe, iyo xitaa qaaradda Afrika. Waxa kale oo ay u aragtaa tallaabadan inay tahay awood iyo ka-hortag amni xilli ay jiraan su’aalo la xiriira kalsoonida Mareykanka iyo qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee la xiriira NATO, inkastoo ay jiraan xiriirro milatari oo dhow oo u dhexeeya Washington iyo saddexda dal.
Bloomberg waxay soo xigatay Nihat Ali Özcan, oo ah khabiir istiraatiji ah oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee TEPAV ee Ankara, isagoo sheegay in Sacuudigu uu bixiyo taageerada dhaqaale, halka Pakistan ay leedahay awoodaha nukliyeerka, gantaallada balistigga, iyo xirfadda shaqaalaha, halka Turkiga uu leeyahay khibrad milatari oo ballaaran iyo warshad difaac oo horumarsan. Waxa uu intaa ku daray in isbeddelada mudnaanta Mareykanka ee gobolka iyo saameynta colaadaha gobolka ay ku qasbayso dalalkan inay raadiyaan habab cusub oo lagu qeexo iskaashiyo iyo xulafaysi.






