Muqdisho (Dawan ) – Magaalada Muqdisho waxaa manta ka qabsoomay xafladda caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracade, oo noqday ugaaska cusub ee beesha Murusade, kadib geerida aabihii.
Xafladda, waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya xXasan Sheekh Maxamuud, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka, oo ay ku jiraan safiirro. Waxaa sidoo kale kasoo qeeb galay Ra'iisul wasare Xamse Cabdi Baarre, iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi , iyo xubno badan oo golaha wasiirada katirsan.
Sida ay sheegeen odayaasha dhaqanka, xilka Ugaasnimada waxaa lagu helaa hab dhaxaltooyo ah, iyadoo inta badan uu xilka ku wareego wiilka Ugaaska geeriyooday, ama qofka ugu habboon ee qoyska laga dhex arko.
Odayaasha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in doorka Ugaaska uu yahay mid dhaqan iyo bulsho ku kooban, isla markaana laga filayo inuu ka fogaado ku milanka arrimaha siyaasadda.


