Soomaaliya, 30 Sebtembar 2025 – Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa ku dhawaaqday in ay $22 milyan ku taageertay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, si loo xoojiyo doorka Midowga Afrika ee taageerada amniga Soomaaliya iyo isbeddelka amni ee dalka.
War qoraal ka soo baxay safaaradda UK ee Muqdisho Isniintii ayaa lagu sheegay in maalgelintan ay qeyb ka tahay deeq dhan ku dhowaad $30 milyan oo cusub, oo UK ku taageerayso isbeddelka amniga Soomaaliya iyadoo 8 milayan ee kale la siiyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya(UNSOS)
AUSSOM ayaa door ka ciyaarta taageerada ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, xasilinta deegaanada dib loo qabsaday, iyo yareynta khataraha amni ee gobolka. UK ayaa sheegtay in maalgelintan cusub ay muujinayso taageerada joogtada ah ee ay siiso xalalka ay hoggaaminayaan Afrikaanka.
Tan iyo 2021, UK ayaa ku bixisay ku dhowaad $140 milyan AUSSOM iyo howlgalladii ka horeeyay, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ku dhawaaqista deeqdan cusub ayaa imaanaysa iyadoo shirkii deeq-bixiyeyaasha AUSSOM ee lagu qabtay toddobaadkii hore magaalada New York, oo ay UK si wadajir ah ula martigelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, lagu adkeeyay muhiimadda sii wadista maalgelinta caalamiga ah ee lagu taageerayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in AUSSOM ay u baahan tahay $196 milyan sanadka 2025 si ay u sii waddo hawlaheeda, iyadoo howlgalka weli aan miisaaniyaddiisa si buuxda loo dhameystirin.