Muqdisho (Dawan ) – Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo dhoweysay casuumaadda Madaxweynaha Soomaaliya ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in wada-hadalku noqdo dariiqa ugu habboon ee wax looga qabto arrimaha mudnaanta leh ee qaranka, sida uu sheegay safiirka UK ee Soomaaliya.
Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King, ayaa sheegay in wada-hadalku uu muhiim yahay xillixasaasi ah, si loo xalliyo arrimaha mudnaanta qaranka, loo xoojiyo xasilloonida, loona taageero danaha shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay safaaradda UK ee Muqdisho maanta oo Axad ah .
“Xilligan muhiimka ah, wada-hadalku, waa habka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo mudnaanta qaranka, laguna hormarin karo xasilloonida, isla markaana lagu taageeri karo danaha dhammaan Soomaalida,” ayuu yiri safiirku.


