Jeddah (Dawan)– Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Sabtida soo socota yeelanaya shir heer wasiirro arrimo dibadeed ah oo degdeg ah, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee ka taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil ay ku dhawaaqday inay siisay Somaliland.
Shirka oo ka dhacaya xarunta ururka ee Jeddah, ayaa ujeedkiisu yahay in la adkeeyo taageerada buuxda ee ururka u hayo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo axdiyada caalamiga ah iyo go’aannadii hore ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xoghaynta guud, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed ballaaran oo ururku ku doonayo inuu ku diido tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qaranimada dowladaha xubnaha ka ah ama abuureysa xaqiiqooyin siyaasadeed oo ka baxsan sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Daaha, ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii shalay uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.






