Addis Ababa (Dawan) – Ururka Injineerrada Soomaaliyeed (SEA) iyo Ururka Injineerrada Madaniga ah ee Itoobiya (EACE) ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis is-afgarad, xilli uu socday Shirka Caalamiga ah ee Kaabayaasha Dhaqaalaha ee EACE 2026.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SEA, Injineer Ibraahim Cabdi Xeyle, ayaa shirka ku matalaya injineerrada Soomaaliyeed. Shirka waxaa ka qaybgalaya hay’ado injineernimo, khubaro, mas’uuliyiin dowladeed iyo shirkado ka kala socda dalal Afrikaan ah iyo dalal kale.
Sida uu sheegay Ururka Injineerrada Soomaaliyeed, heshiiska uu la galay Ururka Injineerrada Madaniga ah ee Itoobiya wuxuu diiradda saarayaa iskaashiga farsamo, is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, tababarka injineerrada iyo horumarinta joogtada ah ee xirfaddooda. Waxa kale oo uu heshiisku ku saabsan yahay cilmi-baarista, hal-abuurka iyo diyaarinta barnaamijyo iyo mashaariic wadajir ah.